
Dadka Soomaliyeed waxaa lagu sheegaa in ay yihiin dad inta badan jecel “Diidmada” ama waxa loo yaqaano “Negative”.
Mucaaradnimada aan ujeeddada laheyn, dadka aan caqliga badan lagu xisaabin, waxa ay u arkaan in ay tahay wax lagu soo caan baxo, oo waxa ay aaminsan yihiin hadii ay wax mucaaradaan in dadku si fudud ku baranayaan.
Aduunyayada horumartay, Mucaardnimada waxa ay timaadaa kaliya markii wax lagu saxaayo, doodda ku aaddan in wax la mucaaradana, waxa ay ku dhisan tahay nidaam iyo caqli la wada fahmi karo ee maaha sida qofka wax u rabo.
Dhawaan, waxaa si dastuuri ah loo doortay hoggaanka Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee “GOS” oo ah hey’adda Isboorti ee dalka ugu sarreyso.
Iyadoo ay jiri karaan in dhaliil loo jeediyo qaabka ay doorashada u dhacday iyo wax-qabadka GOS, ayaa waxaa lagu qasay oo la kala garan waayay ansaxnimada GOS iyo in ay tahay “Hey’ad Isboorti” ee caalamka laga aqoonsan yahay.
Dad aan ka arkay Dood ka baxeysay TV Soomaali ah, iyo kuwo si gaar-gaar ah u qabtay Shirar-Warbaahineed, ayaa waxa ay ku doodaayeen in GOS sideedaba “Sharci” aheyn. Waa su’aal qof wax mucaaradayo miyaa bixiya aqoonsiga GOS??
Sida muuqaalkan hoose aad ku arki doontaan, Nin sheegtay in uu soo noqday wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Isboortiga ee Soomaaliya, ayaa ku dooday in GOS ay sharci ku noqon karto in Baarlamanka Soomaaliya iyo golaha Wasiirrada ansixiyaan.
GOS waxa ay xubin rasmi ah ka tahay Guddiga Olombikada Caalamiga ah ee IOC oo ah Urur Caalami ah oo aan Siyaasad ku lug laheyn. Dowladda ma waxaa loga baahan yahay in ay GOS aqoonsato mise Ansixiso? Waxa ay u baahan tahay in la kala garto. Waxaa kale oo u baahan in la kala garto Ururada aanan Siyaasadda ku lug laheyn iyo kuwa kale.
Sidoo kale dadka Mucaaradnimada ku doodaayo waxaa ka mid ah qof kale oo aad muuqaalkan ku arki doontaan oo leh “Gobol walba oo Soomaaliya ku yaalla waxa uu tagi doonaa xarunta IOC”.
Hadalka waa in uu xikmad yeeshaa dadkana waxa u kordhiyaa xataa hadii uu yahay mucaaradnimo, Gobol Soomaaliya ku yaalla muxuu u sheegaayaa hadii uu u tago IOC? dadka in loo sharraxo ayay u baahan tahay.
Doorashadii guddiga sare ee GOS waxaa goob joog ka ahaa wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda horumarinta adeegga bulshada oo Isboortiga hoos tago, Bashiir Goobbe, oo ah nin Isboortiga Soomaaliya in badan ku dhex jiray.
Wasiirka oo ka masuul ah dowladda, wuxuu sheegay in ay taagerayaan guddiga cusub ee la doortay.
Dadka wax mucaaradaya, oo muuqaalkan ku jira waxa ay leeyihiin ”Wasaaradda Isboortiga, reysal Wasaaraha iyo Madaxweynaha dalka ayaa laga rabaa in ay maamul cusub oo GOS ah soo dhisaan”, waa yaabe dalku ma laba “Dowlad” ayuu leeyahay?
In si aan caqli ku dhisneyn wax loo mucaarado waxaa ka wanaagsan in wixii la dhisay ama dhisan la dhiirri geliyo, la taageero, lala shaqeeyo, lana saxo oo lala xisaabtamo.
Haddii qof walba oo Soomaali ah oo meel iska waaya yiraahdo “Wax aanan aniga ku jrin ma aqoonsani” wax kuma hagaagayaan.
Bahda Isboortiga Soomaaliyeed dal iyo dibedba waxaan ugu baaqi lahaa, in ay isa saxaan oo maamulada aqoonsiga caalamiga ah heysto ay taageeraan lana taliyaan beddelkii ay ku mashquuli lahaayeen in dib loo noqdo.
Mucaaradnimadu waa in ay WAX DHISTAA ee maaha in ay WAX DUMISO.
Waxaa Qoray: Ibrahim Gedow Awale (Biibbo), Tifatiraha SomGoal, Nairobi_Kenya, Injineerka3@hotmail.com
——————————————————————————————————–
Halkaan Ka Daawo Muuqaalka Mucaardnimada aan Cilmiga lala kaashan
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!