
Xulka Soomaaliya ee wiilasha kubadda Kolayga ee ka qeyb galaaya isreeb-reebka tartanka Qaramada Africa ee ka socda dalka Tanzania ayaa caawa kulankoodii labaad ee qeybta B ku garaacay dalka Burundi 98-80 dhibic.
Waxa ay toos ugu gudbeen Soomaaliya Semi Finalka kadib markii shalay 81-78 kaga adkaadeen Kenya.
Xulka Soomaaliya Waxa ay Semi finalka Jimcada la ciyaari doonaan Xulka Rwanda oo qeybta A kaalinta labaad kaga soo baxay. Masar oo qeybta A kaalinta koowaad kaga soo baxday ayaa Semi Finalka la ciyaari doonta Kenya oo kaalinta labaad B kaga soo baxday.
Afratan xul ee isugu soo haray tartanka ayaa xulkii soo baxa ee noqda horyaalka Zone 5 waxa uu si toos ah uga qeyb gali doonaa koobka Qaramada Africa ee Basket-Ball-ka ee ka dhici doona dalka Ivory Coast bisha August ee sanadkan.
Xulalka 7-da ah ee isreeb-reebkan u dhaxeeyo ayaa la isku yiraahdaa Zone 5, waxa ayna ka mid yihiin 8-da Zone ee Africa ee isreeb-reebka kubadda Kolayga ciyaara.
Macallinka Xulka qaranka kubadda Kolayga ee hoggaaminaya ciyaartoydan guusha weyn soo hoysay Cumar C/qaadir Baarajab, ayaa ka codsaday dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo shirkadaha ganacsiga in ay garab istaagaan wiilasha qaranka Soomaaliya matalaaya.
Waxa uu wareysi uu siiyay Raadiyaha Bar-Kulan ku sheegay in uu sanadkan xulka guulo waaweyn oo lama-illaawaan ah soo hoyn doonaan.
Halkan Hoose ka dhageyso wareysiga Baarajab.
Sidoo kale kabtanka xulka qaranka Yuusuf Qaafow oo la hadlay Radio Bar-Kulan, ayaa sheegay in guushan ay u aheyd mid ay filaayeen, isagoo ka codsaday shacabka Soomaaliyeed taageero buuxda.
Halkan ka dhageyso Wareysiga Kabtanka.
Xulka kubadda Kolayga Soomaaliya u matalaaya ayaa guulo muhim ah soo hooyay, waxa ayna u baahan yihiin in dadweynaha Soomaaliyeed ay dhiirri geliyaan wiilasha u istaagay difaca calanka Soomaaliyeed.
—————————————————————
by, Ibrahim gedow Awale (Biibbo), tifaftiraha Somgoal, injineerka3@hotmail.com
————————————————–
Photo by Biibaaye
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
maanta aad ayaan u faraxsanahay walaahi waxaan soo xasuustay ciyaarahii waayo waayo ee baaskeedka soomaaliya hanbalyo hanbalyo
Maasha,allaah waa wax lagu faani karo guusha ay gaareen geesiyaasha Soomaaliyeed waxaana ku rajo eeynahay in aan ku guuleysano koobka