Bayern Muich ayaa hogaanka Bundusligaha sii dheerasatay kadib markii guul cariiri ah ka gaartay kooxda Eintrach Frankfurt, Bayern ayaa ka badisay Frankturt kadib markii soo laabasho adag ay kala kulantay qeybtii labaad ee cayaarta oo ku idlaatay 5-2.

Goolal ka kala yimid Leon Goretzka, Thomas Muller, robert Lewandowski ayaa hogaanka ku qabatay ciyaarta qeybtii hore halka Frunkfurt ay soo laabasho halis ah ka sameeyeen qeybtii labaad ee cayaarta ayagoo dhaliyay laba gool kana dhigay 3-2 cayaarta, kooxda Bayern ayaa hogaanka cayaarta sii dheerasatay kadib markii gool afaraad udhaliyay Alphonso Davies kana dhigay 4-2 cayaarta. Daqiidii 74aad ayaa daafaca kooxda Eintracht Frunkrurt iska dhaliyay gool niyada u dajisay Bayern kuna soo idlaatay ciyaarta 5-2.

Dhanka kale Borussia Dortmund ayaa dhigeeda kooxda ay martida ay u ahayd Wolfsburg uga badisay 2-0 ayadoo uga mahadcelinayaan goolal uga kala yimid R. Guerreiro iyo Archraf Hakimi ayadoo cayaarta kusoo idlaatay 2-0 ayagoo sidoo kale kusoo dhawaaday kooxda Bayern oo ay la ciyaari doonaan 26 ka bishaan Kulaan oo aad loo wada sugaayo ayaa noqon karto Borussia rajadeeda ugu fiican oo hogaanka aad ugu soo dhawaan doonto hadii ay ka badiyaan, halka Bayern Munich ay doonayso inay hogaanka sii dheeraysato.

Facebook Comments