Jose Mourinho: “Ma ahayn daneyste goortii Inter Milan ku guuleysatay champions league”

151

Jose Mourinho ´´ inaan danteyda ka fakarin waxay ahayd furaha Inter Milan ay kugu guuleysatay champions league 10 sano ka hor maanta ´´
Caasimada Madrid 22 may 2010, Inter waxay garaacday Bayern Munich 2-0 si ay u dhameystirto sedexleydayda sanadkaas oo ay ku jiraan Serie A iyo Coppa Italia sidoo kale Mournho ayaa noqdey maclinkii 5aad ee taariiqda kula guuleysta champions league 2 jeer laba koox oo kala duwan.
Mourinho oo macalin u ah Tottenham Hotspur xiligaan ayaa u sheegay Sky Sports News ´´finalka Bayern Munich aan la cayaarnay marna kama fakarin nafteyda´´ sidoo kale sii raaciyey ´´marna kuma fakarin inaan badino, inaan gacmahayga saaro champions keygi 2aad, maku fakarin inaa koobka kor u qaado, waan ku guuleysanayaa tobabaraha ugu fiican ee sanadka ´´ waxa kale u dhahay ayaa ahayd in uu marnaba ka fakarin naftiis ´´maskaxdeyda waxay ku mashquulsanayd inaan farxad u keeno kuwa kale´´ ani ahaan waxay ii ahayd macno weyn koobkas iyo inuu Gudoomiyaha kooxda Massimo Moratti uu gacanta ku dhigo, sidoo kale kooxda sida halyeeyga iyo kabtanka kooxda Javier Zannetti iyo dhamaan ciyaartoyda, taageerayaasha. Ani ahaan intaas oo dhan waxay ii ahayd inaan danayste aheen. Ma ahaan karo danayste. ´´ sidaas darteed ayaan u dareemay inaan ahay special, waxaan ku maamulay si wanaagsan anigoo wax walbo madaxa hoos ugu raaricinayo fiirinayo kuwa kale dantooda, waxay ahay wax aad u qurux badan dhamaan way isaameeyen awood dheeraad ayay isiiyeen.

Jose Mourinho Champions League with Inter Milan
Facebook Comments