Kooxda Tottenham ayaa xaqiijisay in kooxdeeda laga helay caabuqa Coronavirus.

218

Kooxa Tottenham ayaa shaacisay in qof ka mid ah kooxdeeda laga helay caabuqa Coronavirus, Kadib
Baaritaan la sameeyey wareeggii shanaad ee Premier League.

Qofka laga heshay caabuqa Coronavirus ayaa waxuu iskiis isku tarankiilayaa mudo 1 isbuuc ah.
Maamulka Premier League ayaa warbixin ku sheegay in maalmihii Isniinta iyo Talaadadee ee isbuucan ay baaritaano ku sameeyeen dhamaan ciyaartoyda iyo shaqaalaha kooxaha Premier League.

Sababo la xiriira dhanka caafimaadka darteed, magaca shaqsiga lama sheegi doono,
Tottenham ayaa sidaa ku sheegtay bayaan ay ku soo qortay boggooda internetka.

Tani waxay ahayd natiijada kaliya ee noqotay positive ka dib markii 1,197 ciyaartoy iyo shaqaale lagu baaray caabuqa Coronavirus ee wareega ugu dambeeyay ee baaritaanka.

Ciyaartoyda Premier League iyo shaqaalaha waxaa haatan la tijaabiyaa labo jeer usbuucii, iyadoo horyaalka uu dib u bilaaban doono 17ka Juun.

Facebook Comments